Cristiano Ronaldo Oo Wali Lacag U Samaynaya Kooxdiisii Hore Ee Man United

Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ah mid wali faa’ido ay ugu jirto kooxdiisii hore ee Manchester United iyadoo ay haatan soo baxeen warar sheegaya in Juve ay lacag siin doonto United sababtiisa darteed.

Ronaldo ayaa intii u dhaxaysay 2003 ilaa 2009 kusoo qaatay Old Trafford isaga oo halkaas ku noqday xiddiga uu maanta yahay isla markaana abaalmarino badan oo shaqsi ah iyo dhammaan koobabka heer kooxeed kula soo guuleystay.

Iyadoo haatan laga joogo mudo 10 sano iyo bilooyin ah tan iyo markii uu ka baxay Manchester, Ronaldo ayaa saamayntiisa ku yeelanaya qasnadaha kooxdiisii hore iyadoo 1 Milyan oo euro ay ku heli doonto.

Sida uu sheegayo wargeyska The Sun’ oo ah midka xogtan soo wariyay Juve ayaa lacagtaas u bixinaysa sababtoo ah inay tahay xeer ka yaala FIFA oo lagu magacaabo xeerka bixinta lacagaha midnimada ah ee la qoondeeyay.