Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Idaacadda Risaala ee Muqdisho Maxamed Cabduwahaab ayaa maanta deeq qaybin ka sameeyey Tuulada Buurane oo hoos tagta Degmada Mahadaay ee G/Shabeellaha Dhexe oo ay saameeyeen fatahaadaha Webiga Shabeelle.
200 qoys oo fatahaada Webiga ay ka baabi’isay guryihii iyo beerihii ay lahaayeen ayaa deeqdaas loo qeybiyey taas oo isugu jirta Bacda Roobka iyo Marakaneeco iyo lacag kaash ah.
Deeqdaan ayaa waxaa laga soo aruuriyey dhegeystayaasha iyo daawadayaasha Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho.
Idaacadda Risaala ee Muqdisho oo Gargaar u qeybisay
Wafdi uu hogaaminayo agaasimaha Idaacadda Risaala Maxamed Cabduwahaab ayaa maanta deeq qaybin ka sameeyey Tuulada Buurane oo hoos tagta Degmada Mahadaay ee Gobolka Sh/Dhexe waana tii ugu horreysay ee la gaarsiiyo dadka ku nool Degmada Mahadaay iyo Tuulooyinka ku dhaw.Warbixin:- Ahmed Tifow HassanCamera-man:-Fu'aad Mmc
Posted by Risaala Media Corporation on Wednesday, November 13, 2019



