Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 7-aad ee Golaha Shacabka BJFS oo ay wehliso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.
Kulanka maanta oo ajandihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee hindisa sharciyeedka cunaqabataynta maaliyadeed ee cayiman, iyo warbxinta xildhibaannada deegaan doorashooyinkoodu ugu maqnaa ka xorreynta Al-Shabaab.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xildhibaannadda Golaha Shacabka warbixin ka siiyey hindise sharciyeedka cunaqabatayn maaliyadeed ee cayiman. Wasiirka ayaa sharraxaad ka bixiyay muhiimadda sharcigan inuu dalka wax ka bedeli karo nidaamka maaliyadeed ee dalka. Xildhibaannadda Golaha Shacabka ayaa iyagana waxay soo jeediyeen in dib loo saxo qaladaad ka jiray buugga loo qeybiyay Golaha.
Halkan ka daawada Warbixinta oo dhameystiran



