Taliyaha qeybta guud booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo saxaafadda kula hadlay goobta lagu qabtay gaariga ay kooxaha hoobiyaasha tuuray ayaa sheegay in gaariga Hoomeyga ah uu ahaa kii ay Shabaabku ku qal qal gelinayeen amniga, waxaana uu intaa ku daray in ciidanka booliska ay ku guuleysteen gacan ku dhigidda gaariga.
Taliyaha ayaa sheegay in kooxda gaariga wadatay ay gaarayeen afar ruux, kuwaasi oo labo ka mid ah iyaga oo dhaawac ah la geeyay goobaha caafimaadka, halka kuwii kale lagu dabo joogo.
Daawo Sarida Gaarigii siday Hoobiyaashii caawa lagu garaacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.








