Daafacii dhaxe ee ugu weyaa Chelsea Terry muxuu ka yiri saxiixa Sancho

Jadon Sancho ayaa wax weyn ku kordhin kara kooxda Chelsea, sida laga soo xigtay kabtankii hore ee kooxda John Terry.

Sancho, 19, ayaa lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo Premier League ka dib markii uu xiddig ka noqday labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay kooxda Borussia Dortmund.

Chelsea, Liverpool iyo Manchester United ayaa ka mid ah kooxaha lala xiriiriyay inay u dhaqaaqayaan xiddiga heerka caalami ee dalka England.

Terry, oo kula guuleystay shan horyaal oo Premier League ah iyo Champions League Chelsea, ayaa sheegay Sancho inuu u noqon doono saxiix weyn oo ay smaeyso kooxdiisii hore.

Waxaan u maleynayaa in da ‘yarkaa uu soo bandhigay awoodiisa Waxaan ka wada hadalnay bilowgii xilli ciyaareedka sida uu ahaa Tammy Abraham iyo Mason Mount waana aragnay sida ay kooxda u caawiyeen.

Waxaan u maleynayaa in Sancho uu yahay mid ka mid ah da ‘yarta ugu fiican adduunka waqtiga xaadirka ah sidaas darteed wuxuu noqon doonaa saxiix weyn oo sameysay Chelsea sida iska cad.

“Laakiin sida aan sheegay Billy Gilmours, Tammy Abraham, Mason Mount, Reece James, Waxaa jira waxyaabo badan oo wanaagsan oo xilligan laga sugayo isaga.

Waxaan u maleynayaa in taageere kasta oo Chelsea ah tan iyo markii uu maqlay xiisaha Sancho ku farxay, taasi waa in dhamaan taageerayaasha Chelsea raban ciyaartooy horumarin u sameyn kara.

Iyadoo Premier League loo joojiyay coronavirus, Chelsea ayaa ku jirta kaalinta afaraad xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee tababare Frank Lampard.

Terry, oo ah kaaliyaha Aston Villa ah, ayaa jecleystay wixii uu ku arkay kooxdiisii hore.

Waxaan runtii la dhacay qaabka ciyaarta, awoodaha da ‘yarta ee soo sareen

“Inaad haysato caawiye lamid ah Jody [Morris] oo yaqaana micnaha akadeemiyada iyo aaminada ciyaartoy da ‘yarta ah, waxay kusiineysaa wax fiican ayuu yiri Terry.