Manchester United ayaa halis ugu jirta inay Odion Ighalo dib ugu soo celiso kooxda Shanghai Shenhua ka hor inta uusan bilaaban Premier League.
Shanghai Shenhua waxay ahayd inay bilaabaan xilli ciyaareedkooda Super League Shiinaha 22-kii Febraayo laakiin taariikhda bilawga ayaa dib loo dhigay ka dib markii uu dillaacay cudurka coronavirus’, oo asal ahaan ka soo biwloday magaalad Wuhan.
Xilliga CSL bilaabmayo 18-ka Abriil ka dib markii ay soo baxday Khamiista dalka in uusan ka jirin kiisas cusub oo xanuunka Karona ah
United ayaan heysan ikhtiyaar ay ku iibsato Ighalo, kaasoo dhaliyay afar gool seddex kulan oo uu United ku soo bilowday, taasoo ka dhigan in guud ahaan sideed kulan u saftay kooxda tan iyo markii uu amaah kaga ymid maalinta ugu dambaysa suuqii bisha Janaayo.
Tababarihii hore ee kooxda Newcastle United Rafa Benitez ayaa durbaba dib ugu duulaya dalka Shiinaha si uu ugu diyaar garoobo la kulanka kooxdiisa Dalian Yifang.



