Midowga Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhow heshiis kula saxiixday Muqdisho ka dib wadahal socday labadii maalmood ee lasoo dhaafay.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka tacsiyeysay wixii dhacay 19-kii bishii February markii la xabadeeyay Midowga Musharaxiinta iyo banaanbaxayaal.
Waxaa sidoo kale ka mid ah qodobada kasoo baxay in banaanbixii berri dib loo dhigo oo la qabto 10 maalin gudahood banaanbax weyn.





