AKHRISO: Magacyadda Guddiga loo soo saaray Weerarkii Musharaxiinta iyo dibadbaxayaasha lagu qaaday

Golaha Midowga Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa guddi u saaray weerarkii lagu qaaday Hoteelka ay deganayeen madaxdii hore ee dalka iyo sidoo kale weerarkii lagu qaaday Xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta iyo banaanbaxayaal marayay KM4.

Guddiggaan oo ka kooban lix xubnood ayaa la kala soo xulay Xukuumadda Soomaaliya iyo midowga Musharaxiinta, waxaana ay baari doonaan wixii dhacay maadaama dowladda Soomaaliya ay raaligalin bixisay.

Dowladda waxaa ka socda:

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Filish

Wasiirka Amniga Xasan Xundubay Jimcaale

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Alcaddaalla.

Midowga Musharaxiinta waxaa ka socda:

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Musharax Madaxweyne Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.