Ka hor ciyaarta semi final-ka Euro ee dhex mari doonta Dragons iyo Portugal ayaa laacibka Real Madrid Cristiano Ronaldo waxa uu ka baxay tababare wadankiisa maanta.
Xidigaan ayaa la sheegay inuu dhaawac fudud kasoo gaaray jilibka taas oo keentay inuu banaanka ka tago tababarka oo socdeay 10 daqiiqo oo qura.
Lama hubo inuu sababi karo inuu seego ciyaarta ay Portugal la ciyaari doonto Weles Habeenka Arbacada ah ,laakiin mid ka mid ah dhaqaatiirta Portugal waxaa uu saxaafada u sheegay in xaaladiisa dhaawac ay tahay mid fudud ayna ku dadaali doonaan inuu ciyaaro habeen dambe.
Hadii xaaladiisa soo kabashada ay waqti dheer qaadato oo uu safan waayo kulanka habeen dambe waxaa ay Portugal u tahay niyad jab halka dhinaca Weles ay u tahay farxad.
Ninka saddexda jeer noqday laacibka aduunka ayaa labo gool ilaa hada ka dhaliyay Euro 2016 laakiin waxaa uu dhalin karay goolal intaa kabadan waxaana uu isku qasaariyay gool kulaad sidoo kale waxaa uu cunay fursado badan oo goolal noqon karay.
Si walbaba hadii ay koobkaan qaado Portugal waxaa dhici karta inuu Ronaldo ku guuleysto bilada laacibka aduunka.


