Jamaahiirta Man United oo codsi muhiim ah u diray Tababare Jose Mourinho

Jamaahiirta kooxdda Manchester United ayaa kasoo muuqday Instagram-ka iyagoo daabacaya fariimo ay ku codsanayaan in kooxdda aan laga dirin Juan Mata.

Axadii warar soo baxay ayaa tibaaxayay in xidigii hore ee Chelsea uu qorsheynaayo inuu kooxda ka tago,waxaana aad loola xiririinaya kooxdda Everton.

Jariirada The People ayaa aaminsan in tababare Jose Mourinho uu diyaar u yahay inuu xidigaan u sheego inuusan ku jirin qorshihiisa cusub ee garoonka Old Trafford.

Xidigaan 28 jirka ah ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadkii muhiimka ahaa ee xulka Spain ee la tagay ciyaarihii Euro 2016.

Waxaan halkaan kusoo koobnay qoraaladii ay Jamaahiirta Man United ku codsadeen inaan la fasixin Mata oo hal sawir la isugu keenay.