Cristiano Ronaldo oo ka yaabsaday taageerayaashiisa

Weeraryahanka Real Madrid & qaranka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa ka yaabsaday dhamaan jamaahiirtiisa ku kala sugan daafaca dunida markii uu si layaab leh madaxa u jartay kadib guushii Cardiff.

Real Madrid ayaa 4-1 ku xasuuqday Juventus kulankii ka dhacay xalayto National Stadium markaas oo xidiga reer Portugal uu dhaliyay laba gool kuna muteystay inuu markii afaraad hanto koobka Champions League.

Saacad ka hor ayuu Cristiano Ronaldo la wadaagay taageerayaashiisa sawirka qariibka ah isagoo timaha u jartay si uusan waligiis sameynin balse aad ayey ugu riyaaqeen 2 Malyan in ka badan ayaana jeclaatay sawirkaan.

Waa isbadal uu xidigaan ku sameeyay madaxiisa wuxuuna qaabkaan uga soo muuqan doonaa sida la filayo koobka Confederation Cup ee bartamaha bishaan ka bilaaban doona Russia.