Claudio Ranieri ayaa sheegay in Riyad Mahrez marnaba isaga uu u sheegi Karin inuu doonayo inuu ka tago Leicester, isagoo shaaca ka qaaday inuu xiddiga wajihi doono cawaaqib xun haddii uu sameeyo taas.
Tababaraha talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday in uu ceejin doono” ciyaaryahan Dawacooyinku ee ku guuleystay PFA sanad ka hor haddii uu codsado in uu ka tago kooxda.
Arsenal ayaa isha ku heysa xiddiga caalamiga ah ah ee Algeria Mahrez, laakiin Ranieri ayaa yiri: “Riyad waa nala joogi doonaaa – marnaba isugu ima imaan kari karo imana weydiin karo in uu tagayo,
Tababaraha ayaa ku kaftamay in haddii uu weydiisto in uu baxayo Mahrez uu ceejib doono!
“Waxa uu ku jiraa xaalad fiican, laga yaabee waxoogaa suuqa ku wareeray lakiin hadda waxa uu ku faraxsan yahay kooxda ayuu yiri Claudio Ranieri.
Xiddigan 25-sano jirka ah ayaa muhiim u ahaa Dawacooyinku oo si lama filaan ah ugu guuleystay horyaalka xilli ciyaareedkii hore isagoo dhaliyay 17 gool waxaana uu cawiyay 11 kale.


