michy-batshuayiSaxiixa cusub ee kooxdda Chelsea Michy Batshuayi ayaa sheegay in la jabsaday koontadii uu kulahaa Twitter-ka taasna ay keentay in la xayiro gabi ahaanba.
Asbuucii lasoo dhaafay xidiga heerka caalami ee Belgium ayaa la xayiray bogiisa waxaana kadib uu arkay isagoo oo la kansalay sida uu ku sheegay bogiisa Facebook.
Xidiga Chelsea waxaa uu sheegay inuusan aqoonin sida wax u dhaceen laakiin waxaa uu taageerayashiisa u sheegay inuu deg deg ugu soo laaban doono bogaas.
“Salaan qof kasta, hada waxaan rabaa inaan idiin sheego in la xayiray koontadii aan kulahaa Twitter-ka oona la kansalay, ma aqaano waxa dhacay ilaa hada, durba ayaan soo laaban doonaa, halkaan ayaana idinkala hadli doonaa.
Jamaahiirta Chelsea ayaa xidigaan ka sugaayay goolal badan madaama ay saxaafadda ingriisku la bar bar dhigto Didier Drogba.


