Ciyaartoyda Arsenal ayaa inyar u muuqda ineysan ku qanacsaneyn habka maamul ee macalinka kumeel gaarka ah kooxda Freddie Ljungberg, mana doonayaan iney si muuqata u taageeraan ka hor kulanka ay la ciyaarayaan West Ham.
Ljungberg wuxuu markii ugu horreysay maamulay kooxda sare kadib shaqo ka ceyrintii Unai Emery, balse dhibaatada heysata waxey tahay wali wax muuqda kuma soo kordhin kooxda.
Gunners waxey 2-2 la gashay kooxda dhibtooneysa ee Norwich City kulankii ugu horreyay ee Ljungberg, balse mar kale ayey sibxadeen kadib markii ay 2-1 guuldaro ah ka qaateen Brighton & Hove Albion, waxeyna natiijooyinkaas la macno noqdeen in loo diiwaangaliyo bilaabashadii ugu xumeyd tan iyo 1977.
Gunners wax guul ah ma gaarin 7-ciyaarood oo horyaalka ah waxeyna u safrayaan West Ham habeenka isniinta, sidaas darteed waxey u baahan tahay guul si ay inyar u nooleyso rajada ay ka qabto iney u dagaalanto afarta sare.