Ciidanka Puntland oo howlgallo ka fuliyay degaano Shabaab soo gaareen

Howlgal uu hogaaminaayay Taliyaha aga Silsilada Golis ee Ciidanka Difaca maamulka Puntland G/Sare Siciid Nuur Shire iyo saraakiil kale ayaa  howlgallo kala duwan ka sameeyeey deegaano iyo Tuulooyin hoos yimaada Bari iyo Sanaag kuwaas oo kala ahaa Milxo,Qow, Miciga & Durduri.

Ciidamadaan oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay si gaar ah howlgalka uga sameeyeen degaano la sheegay in ay tageen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo hoosyimaada deegaanka Milxo balse markii ay halkaas horay u gareen cutubyo ciidan Daraawiishta iskaga baxay.

Dadka deegaanka Milxo ee buuraleyda Calmadow ee gobolka Sanaag ayaa Taliyaha usheegay in ay iska difaceen Al-Shabaab iyagoona u mahadceliyay ciidamada Difaaca Puntland oo markiiba halkaas horay u gaaray.

Dhanka kale Saraakiisha ayaa tilmaamay in Howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysan,isla markaana Al-shabaab looga saaray Degaanadasi,waxa ayna shegeen in ay sii laba jibaari donaan Howlgalada Al-shabaab lagula Dagalamaayo Degaanada Puntland.