Kooxo hubeysan oo dil ka geystay Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay xalay magaalada Baydhabo ku dileen gudoomiyihii xaafada Daarusalaam  ee Baydhabo.

Ninka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Abdirizaak waxaana dilkiisa uu ka dhacay xaafada berdaale ee Baydhabo.

Ciidanka booliska ayaa howlgallo ka sameeyay Magaalada Baydhabo si ay gacanta ugu soo dhiggaan kooxihii ka dambeeyay dilka.

kooxdii dilka geysatey ayaa goobta ka baxsatay welina wax war ah kama soo bixin laamaha amaanka oo ku aadan dilkiisa.