Wasiirkii hore ee Difaaca oo saacado lagu xiray Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi Maxamed  saacado uu u xirnaa Ciidamada Amniga Koofur Galbeed.

Sidda ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo Ciidamada Amniga ayaa C/rashiid kala baxay hotel uu ka deganaa Baydhabo, kaddib markii uu shalay tagay magaalada, si uu ugu tartamo doorashada Kursiga Hop197.

C/rashiid  ayaa ka mid ah xubnaha sida ugu dhow Mukhtaar Roobow oo dowladda u xiran, waxaana uu ahaa wasiirkii ka dambeysay in Mukhtaar Roobow uu isku soo dhiibo dowladda Soomaaliya sanadkii 2017-kii.

Cabdirashiid ayaa ka mid ah shaqsiyaadka sida weyn uga soo horjeedda Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed oo lagu eedeeyay in uu dhibaato ku haayo dadka kasoo horjeedda maamulkiisa.