Ciidanka NISA oo Hawlgallo ka sameeyay Magaalada Baydhabo

Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka qeybta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo ka sameeyey Howlgal lagu xaqiijinaayo Amniga Magaalada.

Inta uu howlgalka socday ayaa taliyaha Ciidanka Nabadsugida Gobolka Baay Abdifatah isxaq Adan ayaa indha indheeyay Goobaha Ganacsiga Magaalada asagoona Ganacsatada ku booriyey ka shaqeynta amniga guud ee Magaalada.

Sidoo kale  waxaa Ciidanka ay baaritaano ku sameeyeen Baabuurta  isticmaala Wadooyinka Magaalada Baydhabo.