Ciidanka Itoobiya oo ka baxay Deegaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saakay halkaa isaga baxeen ciidammada dowladda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.

Shacabka ku sugan Deegaanka Ceel Cali ayaa Risaala u sheegay in ay arkayeen gadiidka gaashaaman ee Ciidanka Itoobiya oo kasii baxaya halkaa, una jiheystay dhinac magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab xalay waxaa duqeyn loo geystay saldhiga ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin Deegaanka Ceel- Cali  ee gobolka Hiiraaan.

Al-Shabaab ayaa sheegay in cutubyo ka tirsan ciidankooda ay Madaafiic ku garaaceen saldhiga ciidanka Itoobiya ee ku yaalla Deegaanka Ceelcali ee duleedka magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab ayaa sheegay in ay dhowr madfac ay ku dhufteen gudaha saldhiga ciidanka Itoobiya deegaanka Ceel Cali , islamarkaana ay ka dhasheen khasaare kala duwan.

Ciidanka Itoobiya ayaa bilaabay bilihii lasoo dhaafay in ay ka baxaan deegaanadii ay kala wareegeen Al-Shabaab.