Jordan Henderson ayaa mar kale loo xilsaaray shaqada hogaaminta xulka England marka ay la ciyaarayaan caawa Slovenia
ciyaaryahanka kabtanimada ka dhaxlay Steven Gerrard ayaa go’aan uu ku qaatay macalin Gareth Southgate inuu hogaamiyo xulka, madaama uu maqan yahay Wayne Rooney.
Southgate ayaa wali ixtiraam u haya Rooney, 26 jirka Henderson ayaa uu sheegay qudhiisa inuu yahay hogaamiye kale oo dhalinyaro ah.
Henderson ayaa waxaa uu u xilsaaray macalin Southgate iuu noqdo kabtanka xulka kulanka ka dhaka ah xulka Slovenia ee Stadium Stozice ka dhacaya caawa.
Tani waxay muujineysaa in kabtanka Rooney uusan kusoo bilaaban doonin ciyaartaan, iyadoo hore saxaafada ay u hadal heysay inuu keydka kusoo bilaban doono ciyaartaan.


