In ka badan laba boqol oo kun oo askari ayaa maanta ka qeyb qaadanaya olole shacabka Brazil looga wacyigelinaayo khatarta viruska Zika.
Zika, oo ay gudbiso kaneecada, ayaa tan iyo sanadkii lasoo dhaafay waxa uu si degdeg ah ugu faafay qaaradda Amerika.
Askarta ayaa booqanaya malaayiin guri, ayaga oo guri walba siinaya warqad ay ku qorantahay macluumaad ku aaddan xanuunka.
Howlgalkan ayaa waxaa shaacisay madaxweyne Dilma Rousseff, oo ugu baaqday dhammaan shacabka Brazil in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhan ah xanuunkaasi.
Viruska Zika ayaa lala xiriirinayaa carruur ku dhalatay naafannimo, gaar ahaan dhaciifnimo dhanka maskaxda ah.
Wasaaradda caafimaadka ee Brazil ayaa sheegtay in 462 cunug oo ku dhalatay naafanimo la rumeysan yahay in uu sababay viruska Zika.