DHAGEYSO: Wafdi ka socdo Maamulka Sh/Dhexe oo tagay Deegaanka Biyo-cadde

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta tagay deegaanka Biyo-cadde ee gobolka Shabeelaha Hoose, oo dhawaan ciidamada dowlada Soomaaliya ay ka qabsadeen Al-shabaab.

Agaasimaha dhanka warbaahinta ee maamulka Shabeelaha Dhexe C/kariin Aaloos, ayaa u sheegay Idaacada Risaala iyo safarka wafdiga gudoomiyaha Shabeelaha Dhexe ee deegaanka Biyo-cadde ay tahay sidii loogu kuurgali lahaa deegaanka iyo xaaladiisa.

Gudoomiyaha Shabeelaha Dhexe, ayaa dhankiisa sheegay in xaalada deegaanka ay wax badan kala socon doonaan, maadaama haatan ciidamada dowlada gacanta ku dhigeen deegaanka.

Deegaanka Biyo-cadde ayaa khamiistii lasoo dhaafay waxaa la wareegay ciidamadda dowlada Soomaaliya, kadib markii ay isaga baxeen deegaanka ciidamadii Alshabaab ee muddo maamulayay Biyo-cadde.