Jabhadaha dagaalka ka wada dalka Suuriya ayaa ku gacansayray inay xabada joojiyaan
Waxay Jabhadahani sheegeen inay dagaalka wadayaan ilaa ay xilka ka tuurayaan Bashaar Al-asad
Sidoo kale waxay eedeeyeen duqaynta uu Ruushka ka wado goobaha mucaaradka
Ruushka Dhinaciisa waxa uu sheegay inuu sii wadayo duqaynta mucaaradka oo uu ku tilmaamay aragagixiso
Shirka ka socda magaadda Munich ee dalka jarmalka ayaa wadamadda ku lugta leh colaadda Suuriya waxay ku gaareen xabadjoojin
Waxay xabad joojinta dhaqangalaysaa mudo isbuuc ah oo kaalmadda gargaarka la geynayo goobaha qaar.
Madaxweyne Bashaar Al-asad ayaa isaga dhinaciisa sheegay inuu dagaalka sii wadayo ilaa dalka oo dhan oo ka qabanayo.


