Ciidanka Booliska Puntland oo qabtay shaqsi lagu Eedeeyay in uu Gaari dhacay

Ciidanka Booliska Puntland ayaa Hawl gal ay ka fuliyeen Waqoyiga Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug  gacanta ku soo dhigay shaqsi lagu soo Eedeeyay in uu dhacay Gaari Falkaas oo ka dhacay dhacay xaafadda Siinaay ee Gaalkacyo

Shaqsiga la soo Eedeeyay ayaa la sheegay in uu Bastoolad Macmal ah uu watay oo uu u Adeegsaday dhaca gaarigaas.

Qoraalka ka soo baxayTaliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa u qornaa sidaan:

“Ciidanka Booliska Qeybta gobolka Mudug ayaa xalay  ku guulaystay  Gaari laga dhacay xaafada siinaay oo isla saacad gudaheed Ciiddanka Police ay gacanta kusoo dhigeen isaga iyo eedaysanihii watay iyo pastolad gacan ku samays ah oo uu wax ku furtayba Biskoolada waa kartoon loo ikeysiiyay Bistolad oo bacmadow lagu duubay waxaana lagu qabtey Xaafada Garsoor ee Magalada Gallacyo” Qoraal ka soo baxay Booliska.