Qoysas ku go’doonsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan

Qoyasas badan ayaa weli ku go’doonsan Fataahada Webiga shabeelle uu ka geystay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Hiiraan.

Roobabka Cuslaa ee ka da’ay Xaafadaha magaladaas iyo Faraahada Webiga shabeeelle ayaa Qoysas badan  oo weli ku go’doonsan   Magaalada Baladweyne ayaa waxaa Saameeyn xooggan ku yeelatay Daadadka Roobka iyo Fatahaada .

Sidoo kale Isbitaalka Guud ee Magaalada Baladweyne ayay Fatahaada webiga saameeyn xooggan ay ku yeelatay ka dib markii dhammaan qaybaha kala duwaan isbitaalkaasi ay biyaha galeen.

Ma jirto illaa hadda Cid  isku xil saartay una Istaagtay Badbaadinta Qosaskaan  ay saameeyeen Fatahaada Webiga shabeelle iyo Roobabka xilliga deyrta kuwaas oo ku xayirmay Xaafadaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Waxan ay Cod sadeen in deg deg looga saaro xaafadaha ay ku go’doomeen ee Magaalada Baladweyne.

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baladweyne ayaa illaa hadda aan ku guuleysan sidii loo soo babbaadin lahaa Dad badan oo ku xayiran xaafadaha Magaalada Baladweyne  ee Fatahaada ay saameeysay.