Ciidamada Hay’adaha Amniga ayaa gacanta ku soo dhigay Rag lagu soo eedeeyay in ay dhac ka geysnayeen Suuqa degmada Xamarweyne in xilli ay gubaneysay qayb ka mid ah suuqaas oo dab uu ka kacay
Taliska Qaybta Guud ee boolioska gobolka Banaadir qoraal la soo dhigay bartooda face book ayaa u qornaa sidaan:
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gudanaya waajibaadka ka saaran badbaadinta Nafta iyo maalaka Shacabka Soomaaliyeed ee wax yeeladu ka soo gaartay dabkii ka kacay Suuqa Dagmada Xamar-Weyne.
Ayaa waxaa ay soo qabteen eedeysanayaal ku howlanaa in ay boobaan Hantida shacabka musiibadu haleeshay.
Waxaana la horgeyndoonaa Maxkamadda awooda u leh.



