Ciidanka Booliska oo soo xiray Askari lacag baad ah ka qaatay qof shacab ah

Ciidanka Booliiska saldhigga degmada Dharkenley ayaa soo xiray eedaysane Faysal Ibraahim Samow oo loo heysto inuu isbaaro u dhigtay muwaadiin Soomaaliyeed oo waday Baabuur , xilli uu maraayey deegaanka Weydow ee duleedka Magaalada Muqdisho.
 War qoraal  ah oo kasoo baxay xafiiska Taliska qeybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir
ayaa lagu yiri” Anagoo fulinayna amarka madaxda Qaranka, waxaan markale uga digaynaa ciidamada kala duwan ee dowladda in ay lacago baad ah ay ka qaadaan shacabka .”