Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa dalka Ereteriya?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki oo kulan-doceed ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka, iyaga oo xoojiyey ahmiyadda iskaashiga dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sare u qaadida danaha istaraatijiyeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa kamid ah Madaxda ka qeyb galeysa Shirka dalalka Afrika iyo Shiinaha ee ka dhacaya dalka Shiinaha.