Ciidamada ATMIS ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa howlgal xoogan ka sameeyay Waddada isku xirta Muqdisho, Buffow ilaa degmada Baraawe si ay u xaqiijiyaan Amniga isu socodka dadka & badeecadaha.
Intii ay howlgalka kujireen Ciidamada ayaa waxaa ay soo saareen miinooyin dhowr ah oo ay Al-Shabaab ku Aaseen waddooyinka mara degaannada Buulnaag, Muuri & Busley, si ay u bartilmaameedsadayan kolonyada ATMIS-ta.
Saraakiisha Ciidamada ATMIS ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose weli wax faah faahin ah kama bixin howlgalkaas inay dad kusoo qabteen iyo in kale basle ay sheegeen in u jeedkooda uu ahaa sugida Amniga degaanada howlgalka laga sameeyay ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ee ka howlgalka Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan kuwa Uganda ayaa waxaa ay mararka qaar waxaa ay sameeyaan howlgallo xoogan, iyaga oo weeraro kala kulma Al-Shabaab



