Wararka naga soo gaaraya degmada Bookh ee Gobolka Doollo ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogle leh kaas oo u dhexeeyay ciidamada booliska gaarka ee DDS iyo maleeshiyaad sida la sheegay ka soo tallaabay xuduudaha dhanka Buuhoodle iyo Caabudwaaq.
Maleeshiyaadka ayaa doonayay inay xoog kula wareegaan labo gaadiidka waaweyn ee Xammuulka qaada ah oo sida la xaqiijinayo maamulka Puntland u sida hub kala duwan iyo saanad. Laga keenay dhinaca dowladda Itoobiya.
Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, kaas oo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad Shacab ah oo goobta ku sugnaa.
Wararka aan heleyno ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Puntland ay tageen degmada Bookh, iyaga oo la soo wareegay Gaadiidkii hubka saarnaa kadib markii laga awood roonaaday maleeshiyaadkii doonayay inay qabsadaan.
Laamaha Amaanka ee dowlad degaanka Soomaalida iyo kuwa Puntland weli kama hadlin weerarka jidgalka ah ee lagu sameeyay Gaadiidka Xamuulka qaada ee Puntland hubka uga keenay dhinaca Itoobiya, balse la soo badbaadiyay.
Sanadkaan Gudhiisa ayay aheyd markii Gaadiid hub ka keenay dhinaca Itoobiya lagu qabsaday duleedka Cabudwaaq, kaas oo gacanta u galay maleeshiyaad hubeysan iyo Dad Shacab ahaa, iyada oo wlei aan la cadeyn cidda loo waday hubkaas.