Ciidamo la wareegay Xarunta Baarlamaanka Somaliland

Ciidamada Ammaanka maamulka Somaliland ayaa la wareegay Xarunta Golaha Wakiiladda Somaliland, ka dib markii Xabad laga dhex maqlay xarunta.

Ciidamo ka tirsan booliska maamulka Somaliland ayaa la wareegay Xarunta Xilli Khilaafka u dhaxeeya Xildhibaanada ee ku aadan doorashada Gudoomiyaha Golaha Wakiilada uu xoogeystay.

Wararka waxa ay sheegayaan in qaar ka mid ah Xildhibaanada ay isku gacan qaadeen.

Xildhibaanada ayaa isku khilaafsan codadkii uu kusoo baxay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka maamulka Somaliland Baashe Maxamed Faarax.

Waxaana ninkii xilkaasi kula tartamaayay uu sheegay in aan doorashada looga guuleysan.

Waxii kusoo kordha kala soco Risaala.net