Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumada Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta ku dhawaaqday Barnaamij loogu tala galay in dhalinyarada Soomaaliyeed isdhex gal uu u noqdo.
Wasiirada oo maanta warbaahinta kula hadashay Xafiiskeeda ayaa sheegtay in Wasaarada aya ka shaqeyneyso sidii loo hormarin lahaa dhalinyarada sidoo kalena ay dhalinyarada ugu qeyb qaadan lahaayeen arrimaha amniga iyo Nabadda.
Barnaamijka ay Wasiir Khadiijo maanta ku dhawaaqday ayaa loogu magac daray weydii Saaxiibkaa oo sahlaya hormarinta dhalinyarada iyo xoojinta dowladnimada.
“Waxaan halkan ka iclaamineynaa olole loogu magac daray weydii saaxiibkaa, weydii saaxiibkaa waa olole loogu tala galay in lagu hormaiyo wada shaqeynta Dhalinyarada Soomaaliyeed iyo Dowladda, laguna xusaayo maalinta Dhalinyarada aduunka”. Ayay tiri Wasiir Khadiijo.


