Maamulka degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Idiris Maxamed Nuur ayaa Ciidamo kala dhex-dhigeen laba maleeshiyo Beeleed oo dhawaan ku dagaalamay Tuulooyin hoos yimaada degmada Wanlaweyn .
Ciidamadan oo katirsan kuwa Ciidanka Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku guuleystay inay kala qaadaan labadii maleeshiyo Beeleed ee dagaalamay, si nabad loo kala dhex-dhigo.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in hadda Goobihii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin, isla markaana amnigooda ay xaqiijinayaan Ciidamadii la geeyay, kuwaas oo wata gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhinaca kale qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka degmada Walanweyn ayaa waxaa ay bilaabeen dadaalo dib u heshiisiineyd, iyaga oo ku balamay in la qabto shir dib u heshiisiin ah, kaas oo xal looga gaarayo colaad beeleedyada soo laab laabtay.
Degaannada hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa kusoo laab laabtay dagaal Beeleedyada, iyada oo dagaalkii ugu dambeeyay ee dhacay ay ku geeriyoodeen ilaa Saddex Ruux in ka badana ay ku dhaawacmeen.



