Shir laga yeeshay Shaqaaqadii ka dhacday degmada Baraawe

Maamulka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Odayaasha Dhaqanka degmadaas ayaa shir ka yeeshay dagaalkii dhawaan dhexmaray Ciidamada Millateriga iyo kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa dagaalkaas oo ah mid soo laab laabtay, isla markaana saameyn xoogan ku yeeshay isku socodka dadka iyo Ganacsiga degmada Baraawe.

Guddoomiyaha degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in Odayaasha Dhaqanka degmada ay isku afgarteen in xal laga gaaro colaada, isla markaana Bulshada degmada ay noqdaan kuwo si nabad ah kuwada noolaada.

Odayasha Dhaqanka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dhankooda sheegay inay wadaan dadaalo ku aadan sidii xal looga gaari lahaa colaada, isla maraana ay damaanad ka rabaan dhinaca Maillateriga ku sugan degmada Baraawe ii dagaalka qeyb ka ahaa.