Maxay ka Wada hadleen Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya ?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub dalka Taliyaaniga ee Soomaaliya Amb. Pier Marion Dacco Coppi.

Kullanka Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo danjiraha dalka Taliyaaniga Mudane Pier Marion Dacco Coppi oo ahaa mid isbarasho iyo kala warqaadasho ah, maadaama safiirka uu cusub yahay.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii Dowladda Taliyaaniga ay kaalin muuqata uga qaadan laheyd tayaynta iyo horumarinta Golaha Shacabka, waxaana uu ammaanay doorka Baarlamaanka Soomaaliya ka qaatay ansixinta shuruucda muhiimka u ah qaranka. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa  Dowladda Taliyaaniga ku boggaadiyay kaalinta weyn ka soo qaateen dib u dhiska dalka.