Ciidamadda Suuriya oo qabsaday 90% bariga Ghouta

Ciidamadda dowladda Suuriya ayaa gacanta ku dhigay 90 boqolkiiba   Bariga Ghouta iyadoo Kooxaha Mucaaradka ah ay sii waddaan inay ka baxaan magaalooyinkii ugu dambeeyay ee ku yaala caasimadda Damascus.

Jimcihii, ciidamada Suuriya ayaa u dabaaldegay kooxdii ugu dambaysay ee Mucaaradka  iyo qoysaskoodii oo ka baxay magaalada Harasta  sidda ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada Suuriya ayaa sheegay in inta badan ay gacanta ku dhigeen Bariga Ghouta .

Ciidamada Suuriya ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in Magaalooyinka Arbin, Jobar, Zamalka ,Ein  iyo Terma ay ka baxeen ku dhawaad ​​7,000 oo ka tirsan dagaalyahannada Failaq al-Rahman iyo qoysaskooda .