Ciidamada Galmudug iyo Puntland oo Maanta la kala Qaadayo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in guddiyadii ay magacaabeen Madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug ay  wadaan Qaban Qaabo lagu kala qaadayo ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.

 Wariyeyaasha ku sugan Gaalkacyo ayaa soo  sheegaya in guddiga ay ku baxeen Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ,halkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.

Xaalada Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta degan, waxaana sidoo kale Magaalada ka socda qaban qaabo lagu kala qaado labada ciidan.