Ciidamada dowladda oo howlgallo ka sameeyay Jubbooyinka

Warar soo baxaya ayaa sheegaya howlgalladan in ay ka dhaceen deegaano hoostaga gobolka Jubbooyinka oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab.

Saraakiisha dowladda ayaa waxa ay sheegeen in howlgalladan ay dhaceen labo habeen oo isku xigta, waxaana ay sheegeen howlgalladaasi in ay ku dileen 8 ka tirsan ururka Al-shabaab sidoo kalana gawaari Al-shabaab ay la haayeen halkaasi ay ku gubeen.

Al-shabaab ayaana dhankooda wali faah faahin ka bixin saraakiisha dowladda howlgallada ay sheegeen in ay ka sameeyeen gobolada Jubbooyinka.

Dhowaan ayay aheyd markii ciidamada dowladda Soomaaliya sida gaarka u tababaran ay howlgallo ka sameeyeen deegaanada Jubbooyinka iyo Shabeelaha Hoose, iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in hogaamiye sare oo Al-shabaab ka tirsana ay ku dileen halkaasi.