Ciidamada Dowladda oo howlgal culus sameeyay

Howlgalka oo ahaa mid qorshaysan ayaa Ciidamada dowladda Soomaaliya waxaa ay ka sameeyeen Deegaanka Shaatiloow oo hoos yimaada Degmada Luuq ee Gobolka Gedo,  halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubmo ka tirsan Al-Shabaab.

Intii uu howlgalka socday ayaa waxaa jiray dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac geystay oo dhexmaray Ciidmada Dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab.

Taliyayaasha ugu sareeyo Ciidamada Gobolka Gedo oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka ay khasaaro farabadan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray inay howlgalka sii wadi doonaan ilaa inta ay Al-Shabaab ka saarayaan degaannada hoostaga degmada Dooloow ee Gobolka Gedo.