Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Laftagareen oo ku dagaallamaya Baydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in saaka uu halkaasi ka qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Dagaalka ayaa la sheegay inuu billowday salaaddii subax kadib markii ciidamo taageersan Laftagareen ay weerar ku qaadeen magaalada Baydhabo. Goobjoogayaal ku sugan magaalada ayaa sheegay in dagaalku si degdeg ah ugu fiday xaafado kala duwan, iyadoo rasaas culus laga maqlayo qeybo badan oo ka mid ah magaalada.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in ciidamada taabacsan Laftagareen ay dib ula wareegeen qaybo muhiim ah oo magaalada ka tirsan, halka dagaal xooggan uu ka socdo agagaarka saldhigga booliiska ee Baydhabo.

Sidoo kale, ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in dagaalku kusii fidayo xaafado hor leh, iyadoo dad badan oo rayid ah ay bilaabeen inay ka qaxaan goobaha ay colaaddu saameysay si ay uga badbaadaan rasaasta iyo hubka culus ee la isku adeegsanayo.

Ciidamada Laftagareen ayaa la sheegay inay magaalada kasoo galeen dhinaca deegaanka Abuu-Xasharoow, oo hore u ahaa goobihii laga weeraray xilligii laga saarayay Baydhabo. Dhaqdhaqaaqyada ciidamada ayaa sare u qaaday xiisadda amni ee magaalada.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya ciidamo la sheegay inay taageersan yihiin Laftagareen oo gudaha magaalada ku sugan, kuwaas oo sheeganaya inay gacanta ku hayaan qaybo ka mid ah Baydhabo.

Dhanka kale, wasiirro iyo siyaasiyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday magaalada, iyagoo ku tilmaamay mid siyaasadaysan. Waxay sidoo kale sheegeen in aysan ka laaban doonin difaaca maamulka iyo la dagaallanka cid kasta oo isku dayda inay xoog ku qabsato magaalada.

Xaaladda Baydhabo ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalku sii xoogeysto haddii aan la helin dadaallo degdeg ah oo lagu xakameeyo colaadda.