Turkiga oo ka digay dagaal ka dhaca Gobolka Badda Madow.

Dowladda Turkiga ayaa ka digtay khataraha ka dhalan kara dagaal aan la xakamayn karin oo ka qarxa gobolka badda Madow, kadib markii Markab Turki ah ay ku dhacday duqaynta diyaarad aan duuliye lahayn.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ma sheegin dalka masuulka ka ahaa weerarkaasi.

 

Labadaba Ruushka iyo Ukraine waxaa ay beegsadeen maraakiib gooshaya Badda Madow intii lagu guda jiray dagaalka dhex maray labada dhinac.