Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen nin la sheegay in uu ka tirsan yahay Shabaab.
Taliyaha Ciidamada Nabad suggida Jubbaland ayaa sheegay in ninkaan oo lagu Magacaabo Cabdifitaax ay gacanta kusoo dhigeen Ciidamada Ammaanka xilli uu miino ku Aasaayay Duleedka Magaalada kismaayo.
Waxaa uu sheegay in ay sharciga marsiin doonaan,islamarkaana laga qaadi doono Tilaabo Sharciga Waafaqsan.
Taliyaha ayaa xusay in ciidamada ay ku qabteen howlgal xilli Ninkaasi uu ku howlnaa Aasida waxybaaha Qarxa.
Ciidamada Jubbaland ayaa xoojiyay Bilihii lasoo dhaafay howlgallada ay ka waddaan magaalada Kismaayo iyo degaanada hoos yimaada.



