Guddoomiye ku xigeenka degmada Buulo burde Cismaan Geedi Cilmi oo la hadlay Wabaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay wadaan howlgallo Al-Shabaab looga saarayo deegaannada ay kagasugan yihiin gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamada Hiil walaal ee Jabuuti ay ka baxeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan,isagoo xusay in wararkaas uu yahay dacaayad ay faafinayaan dad kasoo horjeedo dowladnimada sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambayntii Guddoomiye ku xigeenka dagmada Buulo Burde Cismaan Geedi Cilmi ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada Qalabka sida, si looga sugo amniga loogana hortago weerarad Al-Shabaab.



