Taliska Ciidanka xoogga dalka oo War kasoo saaray weerarkii Balli-Doogle

Taliska Ciidammada Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay in Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Xerada ciidanka xoogga iyo Saaxiibbada Mareykanka ee Ballidoogle,hayeeshee ay sheegeen inay iska difaaceen.

Saraakiisha ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in Ciidamadu ay ka hortageen Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo doonayay inay galaan gudaha xerada,isla ay toogteen sida ay hadalka u dhigeen.

Marka laga soo tago hadalka Taliska Ciidammada Xoogga Dalka ayaa Al-Shabaab dhankooda Warar ay ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegeen in ay u suurtagashay in dagaalyahanadooda qaarkood ay la wareegaan qeyb kamid ah Saldhiga Balli-Doogle.