Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyeen wadada u dhaxeeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad taas oo sababtay in Gaadiidka dadweynaha uu hakad-galo.
Howlgalkan ayaa sida la sheegay waxaa uu ka dambeeyay kadib markii qaar ka mid ah darawalada Gaadiidka ka Shaqeeya Jowhar & Muqdisho ay cabasho ka keeneen Rag hubeysan oo lacago xad-dhaaf ah ka qaada Gaadiidka.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in u jeedka howlgalka uu yahay sidii wadadaasi amnigeeda ay u xaqiijin lahaayeen halkaas oo ay kusoo bateen weerarada qaraxyada ah ee al-Shabaab iyo Rag ku labisan dareeska Ciidanka Dowladda oo lacago ka qaadaya Gaadiidka Dadweynaha.
In kastoo saraakiishu aysan weli sheegin dad ay howlgalkaasi kusoo qab qabteen ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan in Gaadiidka kasoo bixi jiray Magalada Jowhar ee soo aadi jiray dhinaca Magalada Muqdisho Maanta aaney Shaqeyn,isla markaana Gaadiidleyda ay ku dhawaaqeen Shaqa joojin iskood ah.
Wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar ayaa sanadihii u dambeeyay waxaa ay aheyd mid aan amnigeeda la isku haleen Karin,waxaana mararka qaar ka dhacayay qaraxyo iyo weeraro toos ah oo ay mas’uuliyadooda sheegteen Al-Shabaab.



