Chris Smalling ayaa loo qaaday isbitaal ka dib markii uu la suuxay cunto sumeysan oo uu cunay, intii lagu jiray fasaxa uu ku joogo Bali, sida laga soo xigtay Manchester United.
Kooxda ka dhisan Old Trafford ayaa lagu qasbay in ay sii daayaan war qoraal ah ka dib markii lasoo bandhigay sawiro naxdin leh oo ka tarjumaya Smalling oo saxiix bixinaya.
Lakiin Manchester United ayaa war ay soo saartay ku yareysay xaalada daafaceeda, waa mid wanaagsan hadda, inkastoo uu ku sumoobay cuno shalay ayaa lagu yiri warka qoraalka kooxda Manchester kasoo baxay.
Smalling ayaa sii joogi doona isbitaalka ilaa inta xaaladiisa laga qiimeyn doona sida warbixintu sheegtay.
Waxaa uu ku guda jiray waqtigii nasashada daafaca dhexe kadib markii uu xulkiisa kala qeyb galay Euro 2016.
Roy Hodgson ayaa iska casilay shaqada xulka England kadib markii uu guuldaro kala kulmay wareega 16ka Iceland.
Smalling ayaa kula biiri doona Manchester United safarka ka horeeya xili ciyaareeedka kasoo ay ku tagi doonto USA.


