Barcelona oo ku dhawaaqday saxiixii ugu horeeyay xili ciyaareedka

Denis Suarez ayaa dib ugu noqday kooxda Barcelona, ka dib markii kooxda heysata horyaalka La Liga ay bixisay qiimaha lagu burburin karay qandaraaskiisa,

Xiddigan ayaa u saxiixay Barcelona heshiis afar-sano ah, kadib markii Villarreal lagu qasbay in ay aqbasho heshiiska.

kooxda Villarreal ayaa la saxiixatay ciyaaryahanka khadka dhexe ee weerarka heshiis afar sanno ah bishii July ee sannadkii hore ka dib markii uu xilli amaah ah nku qaatay Sevilla.

Suarez ayaa 48 kulan u saftay tartamada oo dhan Villarreal , isagoo dhaliyay shan gool, halka 13 gool uu caawiyey.

waxa uu haatan Camp Nou, ugu laabtay  € 3.25million oo ah qiimaha Catalonia markii hore ay heshiiskiisa ku xirtay in dib ay ugu soo iibsadaan.

Suarez ayaa sidookale u madax banaan doorashada sannadka shanaad ee heshiiskiisa, taasoo ku xirnaan doonta tayada uu sameeyo.

22-sano jirkaan ayaan marnaba u ciyaarin kooxda koowaad ee Barca ,waxana lagu burburin karaa qandaraaskiisa Barcelona € 50m.