DHAGEYSO: Howlgallo gaar ah oo laga sameeyay gobolka Baay

Baay-RisaalaFM- Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay la wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Baay, kadib markii ay ciidamada sameeyeen howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab.

Deegaanada ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah Bilow-keerow Goorsane iyo kuwo kale oo gacanta ugu jiray Shabaab.

Howlgaladan ayaa waxa ay ka dambeeyeen kadib markii Guddiga nabad galyada Koonfur Galbeed ay shir ka yeesheen amniga sidoo kalena ay go’aan ku gaareen in Shabaab lagu qaado howlgallo looga saarayo gobolka Baay.

Gudoomiyaha deegaanka Goof-gaduud Shabeelow Xuseen Wardheere oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in howlgaladan ay sii socon doonaan ilaa Al-shababaab lagaga saarayo deegaanada Koonfur Galbeed.