Cadaado-RisaalaFM- Maamulka Galmudug ayaa cafis u fidiyay maxaabiis ku xiran Xabsiyada maamulka Galkmudug.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 33 Maxaabiis ah cafis loo fidiyay.
33 maxaabiis ah oo dambiyo kala duwan ugu xiran xabsiga dhexe ayuu maamulka Galmudug amray in la siidaayo.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sii deynta Maxaabiistan ku sababeeyay maadama ay soo dhowdahay ciida in Maxaabiistan loo baahan yahay in ay farxad la qaataan Eheladooda.
Isla todobaadkan gudihiisa ayaa lagu wadaa in maamulka Galmudug uu cafis u fidiyo Maxaabiis badan oo ku jirta Xabsiyada Galmudug.
Maamulka Galmudug ayaa sanadkasta Xiliyadaan oo kale waxa ay cafis u fidisaa dad dambiyo kala duwan ku eedeysan.


