GabigolChelsea ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay saxiixa Neymar-ka cusub ee kubadda cagta, sida laga soo xigtay wargetska Globo Esporte ee dalka Brazil.
Xiddiga dhallintayar ee kooxda Santos ee Gabriel Barbosa kaasoo ku magac dheer Gabigol ayaa ka mid ah xiddigaha mustaqbalka ifaya ku leh kubadda cagta ee kasoo baxaya dalka Brazil, waxaana sidoo kale doonaya kooxo waa weyn oo ka dhisan Yurub. Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa hogaamineysa loolanka loogu jiro saxiixiisa ka dib markii ay ka gudbisay dalab 30 milyan oo euros ah.
Inkastoo qandaraaska Gabigol lagu burburin karo 50 milyan oo ginni, hadana Santos ayaan diidi karin dalabka ay waqti xaadirkaan miiska usoo saartay Chelsea. Juventus ayaa sidoo kale ka gudbisay dalab ku dhow 20 milyan oo euros. Iyadoo weriye Gianluca Di Marzio uu daaha ka qaaday Old Lady ayaa Isniinta soo aadan wakiilo la kulma madaxda Santos u diri doonta dalka Brazil.
Inkastoo uu keliya 19 sanno jir yahay, hadana Gabriel Barbosa ayaa muddo seddax sanno ah u ciyaarayey kooxda koowaad ee Santos, wuxuuna u saftay 151 kulan isagoo u dhaliyey 55 gool. Sannadkaan kulankiisii ugu horreeyey ayuu u ciyaaray xulka koowaad ee Brazil. Kooxdiisa Santos ayaa jeclaan laheyd inay sii ceshato laakiin waxaa u muuqata inuu gacantooda kasii baxayo ka dib markii uu Isbuucii lasoo dhaafay diiday inuu qandaraas cusub qalinka ugu duugo.
Waxaana saxiixiisa ku dagaalamayaan kooxo waa weyn oo Yurub ah, oo ay sidoo kale ku jiraan Barcelona iyo Real Madrid. Gabigol oo la hadlayey Radio Globo ayaana caddeeyey sababta uusan u saxiixin qandaraaskii ay miiska usoo saartay Santos: “Ma saxiixin qandaraaskaas weli. Madaxweynaha ayaa ii soo bandhigay si aan u saxiixiso, laakiin ma saxiixin. Keliya wadahadallo ayaan yeelanay. Waalidkeey iyo wakiiladeyda ayaa kooxda la hadlaya.
“Waxyaabo laga wadahadlayo ayaana jira. Sidoo kale dalabyo ayaa miiska inoo saaran. Laakiin weli ma jiraan wax hubanti ah, waxaana eegayaa qorsheyaasha miiska ii saaran, sida aan ku rajo weynahay dhowaan xal ayaa soo bixi doona.”